Ciidamada Soomaaliya oo soo bad baadiyay muwaadin Oromo ah oo u afduubnaa Al-Shabaab.
1 min read

Ciidamada Soomaaliya oo soo bad baadiyay muwaadin Oromo ah oo u afduubnaa Al-Shabaab.

Ciidamada nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo iska kaashanaya howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano hoosyimadaa degmada Baladxaawo Sida Najax, Haroo ilaa Abdi ducaale ayaa waxaa Al-Shabaab looga Soo furtay Muwaadin u dhashay qowmiyada Oromada oo ay halkaasi ku haysteen.

Muwaadinkan oo Jeebeysnaa ayaa Jirdil xoogana uu ka muuqday, iyada oo markii ay maqleen Al-Shabaab in Ciidanka uu ku soo socda ay goobta isaga tageen.

Ciiidanka qaranka ayaana si nabad ah u soo badbaadiyay muwaadinkan waxaana hadda la geeyay isbitaal ku yaalo degmada Si loola tacaalo Xaaladiisa caafimaad.