Soo dhaweyn sare oo loo sameeyay Safiirka cusub ee ay Dowladda SOMALIA usoo magacawday South Africa.
1 min read

Soo dhaweyn sare oo loo sameeyay Safiirka cusub ee ay Dowladda SOMALIA usoo magacawday South Africa.

Waa South Africa, Waa soo dhaweyn Dhif iyo Naadir ah oo aan Sacabada lagu Dabooli karin, Waana Taariikh cusub oo u curatay SOOMAALIDA SOUTH AFRICA.

Amb Mohamed Sheikh Issak Oo ah Safiirka cusub ee ay Dowladda SOMALIA usoo magacawday Safaaradda South Africa, ayaa soo dhaweyn aan horey u dhicin loogu sameeyey qeybta VIP-da ee OR Tambo International Airport ee Magaalada Johannesburg.

Danjirayaasha Jaamacadda Carabta iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uga kala yimid Gobalada Koonfur Afrika, ayaa soo dhaweyn kadib Kulan Afur ahaa la qaatay, iyagoo ay ka muuqato si ay ugu hanweyn yihiin inuu Ambassador Maxamed Isxaaq kasoo dhalaali karo hawlaha culus ee horyaala, maadaama uu yahay Diplomacy Khibrad iyo Aqoon durugsan u leh Shaqada Safaaradeed.

Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim oo ahaa Safiirkii Somalia u Fadhiyey Sudan, ayaa lagu bedeley Mohamed Ali Mire (Nabadoon) oo muddo soo ahaa Safiirka Somalia ee Dalkani Koonfur Afrika.

Mahadi haka gaarto Sawirqaadaha Sawiradan Internationalka ah ku Farayaraystay Waa Mahad Sidow Mahad Istiila.

Abdulrazak IndhaJaceyl