Soomaali malaayiin doollar u uruurinaysa Falastiiniyiinta Qasa, xageese la marin doonaa kaalmadaasi.
4 mins read

Soomaali malaayiin doollar u uruurinaysa Falastiiniyiinta Qasa, xageese la marin doonaa kaalmadaasi.

Sanduuq uu guddoomiye ku xigeen ka yahay Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan ayaa gudaha Soomaaliya lacago deeq ah uga aruurinaya Falastiiniyiinta Qasa ee duqeymuhu ku socdaan.

Sanduuqa oo lagu magacaabo Somali Action Network (SAN) ayaa qabsaday bartilmaameed shan milyan oo doolar ah si ay ugu deeqaan Falastiiniyiinta ku go’doonsan marinka Qasa ee ay duqemaha u dheer yihiin, isla markaana aan la hayn meel wax loo mariyo.

“Umadda Soomaaliyeed ayaa ka damqaday caruurta iyo haweenka, dhanka dagaalkana dhibaato ka soo gaarayso, xagga gaajada iyo wax la’aantuna ay haysato, ummaduhu marka in ay wax aruuriyaan oo bini’adannimada iyo dadkaas muslimiinta ah ee saas loo galo ay wax u aruuriyaan ayey Soomaaliduna qayb ka yihiin,” ayuu yiri sheekh Cabdi Xayi.

“Dad aqoonyahan ah, culumo iyo ganacsato ayaa go’aankaas qaatay” ayuu ku sii daray sheekhu.

Maadaama ay indhaha caalamku halkaas ku sii jeedan oo cid waliba ay waxa ay ku caawin karto samaynayo ayuu sheekh Cabdi Xayi sheegay in ay aad muhiim u tahay in Soomaaliduna qayb ka noqdaan.

Maadaama ay indhaha caalamku halkaas ku sii jeedan oo cid waliba ay waxa ay ku caawin karto samaynayo ayuu sheekh Cabdi Xayi sheegay in ay aad muhiim u tahay in Soomaaliduna qayb ka noqdaan.

Sheekh Cabdixayi ayaa sheegay in ay arrinkan kala shaqaynayaan hay’adaha caawiya agoonta, haweenka laga dhintay iyo caruurta si guud kuwaas oo ku hawlan caawinta dadkan.

Mar aan waydiinay halka loo marsiinayo deeqdan maadaama ay go’doon ku jiraan reer Qasa, isla markaana caalamka ay ku adag tahay in ay wax gaarsiiyaan; waxa uu sheekhu sheegay in ay u marsiinayaan Falastiiniyiinta kale ee ku nool dalalka kale kuwaas oo sida uu sheegay iyagu garanaya sidii ay guryahooda macaawinada u gaarsiin lahaayeen.

“Dhibaato kasta oo jirta marna lama quusto, sidii lagu gaarsiin lahaana waa in ay iyagu (falastiiniyiinta kale) ka shaqeeyan” ayuu yiri.

“Waan aan ognahay in Soomaaliya ay duruuf ka jirto oo ma moogin laakiin haddana diinteenu waxay amaantay, qofka isaga oo duruuf ku jira, haddana walaalkaybaa iga daran intuu yiraahdo wax is dhaafiya, ee maha wax aan ka maarannay” ayuu kaga jawaabay Sheekh Cabdixayi in ay baahi ka jirto Soomaaliya qudheeda.

Si kastaba oo ay tahay waxaa adag in gargaarka la gaarsiiyo Qasa iyada oo xadka Masar ay tuban yihiin boqolaal gawaadhi xamuul ah oo aan haysan meel ay u marsiiyaan deeqaha caalamku ku deeqay.

Dhanka kale dilka iyo dhaawaca soo gaaraya shaqaalaha gargaarka ayaa sare u sii kacaya mar walba oo ay duqeymaha Israa’iil xoogaystaan.

Kala badh dadka ayaa wajahaya heerar masiibo oo gaajo ah, macluushana waa suurtagal in waqooyiga ay ka dhacdo toddobaadyada soo socda. Nidaamkii caafimaadka ayaa qarka u saaran inuu burburo, iyadoo dhakhaatiirta qaar ay awoodi waayeen in ay daweeyaan bukaanada sababo la xiriira agabka aasaasiga ah oo gabaabsi ah.

Qaar ka mid ah kuwa ka badbaaday bambooyinka waxaa laga yaabaa inaysan ka badbaadin gaajo iyo cudur.

Saddex meelood meel dadka Qasa degganaa waa la barakiciyey, iyadoo intooda badan ay ku nool yihiin guryo cooshado ah ama teendhooyin ah oo ku jira xaalado qallafsan, oo ay ku yar tahay helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo ama cunto.

Ugu yaraan kala badh dhismayaasha marinka Qasa ayuu burbur soo gaaray amaba dhulka lala simay, oo ay ku jiraan isbitaallo, dugsiyo waxbarasho, masaajiddo, xarumaha Qaramada Midoobay iyo bakhaarro gargaar.

Gargaar aad u yar ayaa loo ogol yahay in la soo geliyo, hay’adaha gargarkana waxay sheegeen, iyagoo ku eedeynaya Israa’iil abuurista caqabado si ula kac ah u hakinaya gelitaanka saadka aasaasiga ah iyo in ay hub ahaan u isticmaasho gargaar bixinta.

In kasta oo xaaladahaas fowdada ah ay jiraan, shaqaalaha gargaarka – Falastiiniyiinta iyo ajaanibta – ayaa sii wada in ay ka shaqeeyaan Qasa oo dhan. Shaqada ay qabtaan waa muhiim marka ay xiisaddu sii xumaanayso. Haddii ay joogsato, xataa dad ka sii badan ayaa suurta gal ah in ay dhintaan dedaalka ay shaqaalahaasi wadeen oo joogsaday awgii.

Xigasho:BBCSomali