Dawlada Soomaaliya oo ka digtay waxyeelada Roob la filayo inuu ka da’o dalka.
1 min read

Dawlada Soomaaliya oo ka digtay waxyeelada Roob la filayo inuu ka da’o dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed , ayaa maanta soo saartay ’ kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto dalka.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay Soomaaliya a intiisa badan ka da’ayaan inta u dhaxaysa  asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobollada  koonfureed iyo kuwa woqooyi ayaa lagu  yiri war ka soo baxay hay’adda   SoDMA,.