Xildhibaanada labada aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka,
1 min read

Xildhibaanada labada aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka,

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka,

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyey afarta cutub.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah, ma jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu.