Tallo Siyaasi, Ari, Geel iyo Caqal!!! FAALLO
1 min read

Tallo Siyaasi, Ari, Geel iyo Caqal!!! FAALLO

1. Haka Caqli yaraan Ariga.

Siyaasadda waxaa jirto Meel haddii ay kula gaarto ay tahay in aad dib uga soo noqoto, ama aad raadsato waddo kale oo lagu sii socon karo. haddiise aad ku sii socoto isla meeshii in aad hore ugu socotay, waxaad ka bexee masraxa Siyaasadda lagu jilo. ( F.S:1aad).

2. Haka Caqli yaraan Geela.

Waxaa jirtay Haro caan aheyd oo 30 Sano ka hor Geela, Maraakiib looga rari jiray, kadibna Gurtay Markii ay Cimiladii is bedeshay. Geelu isbedelkii cusbaa ayuu la qabsaday oo uu ka faa’iiday. Biyihii iyo Maraakiibtii uu ka carari jiray ayuu ogaaday in ay isbedeleen. Kadibna waxa uu go’aansaday in uuna Maraakiibta ka baqin ee uu uga faa’iideysto in uu Cadceeda ka harsado.
La soco isbedelka Bulsho, Bulshadu ma ahan tii Hore, ee la falgal Xaaladada Cusub ee Bulshada maanta. ( F.S: 2aad)

3. Maskaxdu ha ku hagto.

Hantida ummadda ha u cunin sida Xayaawaanka Nimcooleyda ahi ay wax u cunaan. Hantida ummadda waxaa ka mid ah: Mid Agoomeed, mid Masaakiin, mid Jiil aan weli dhalan uu leeyahay iyo kuwo kale oo Diintu kaa reebtay isticmaalkeed. Ha noqon mid la tashado Calooshiisa iyo jeebkiisa. Ka fikir Makhluuqa Alla iyo Malaa’ikta Sammaada iyo Garbahaaga saaran ee ku xisaabinee iyo kan Arlada joogo ee kugu markhaati kici doono, Noqo mid Maskaxdiisu Dariiqa fiican ku fikirto. Fiiri: Labadda Aayadood ee ku hoos qoran Sawirka (F.S: 3aad)

Siyaasiyoow, haka Caqli yaraan Ariga iyo Geela, Maskaxdu ha shaqeeyso.
waa iga Talo.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir