1 min read

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka hadlay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse waxa uu ka digay in kooxdu ay wali ku xooggantahay meelaha qaar.

“Waxaan filayaa inay ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumarro ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti.

Austin ayaa shalay magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca Mareykanka.