1 min read

Aqoonyahaynka iyo Qandho Siyaasadeed.=Faallo=

Waxaa jiro Qof inta badan u muuqdo in uu caafimaad qabo, laakin mar mar ayaa waxaa ku soo kaco xanuun u qarson.

Baadiyaha markaan joognay waxaa la dhihi jiray:

( Hebel waxa uu qabaa Qandho Qoomaal ah oo mar mar soo goobto)

Maalmahaan waxaa soo batay Aqoon yahan aan Qaraabo nahay oo Qabo Qandho Qoomaal Siyaasadeed oo Mar mar soo goobto. Ha loo dul qaato.

Aqoon yahan iyo wax garad Labo ayeey kala yihiin. Shahaadadu waxa ay muujinee in aad Duruus gaar ah soo qaadatay, laakin ma muujineyso in aad tahay wax garad. Wax garad waxaa noqon karo Qof aan shahaado heeysan.
Qofka Aqoonka yahan ahi, Doqonna waa noqon karaa. Damaco meel aan mansabkiisa aheyn waa geey karaa. Ataxyaadka dhuuso waa uga faka kartaa. Khalad waa gali karyaa. Waa simbiriraxo karaa. Berrina waa toosi karaa. Haloo dulqaato, yaan dooda la badin oon laga dhigin Khilaaf aqoon yahan.

Aqoonyahanoow Adigana, khidmo shuruuda ah halagaa saaro Qoomaal Siyaasadeedka ku soo goobto.

Qore: Yahya Amir