1 min read

Ku Dowladda: Dowladu waa in ay iska shqshaqdaa Shaqaalahan Mushakalka ah ee Xafiisyada Xureeystay.

Ku: Dowladda

Xaarinka Dowladda waxaa ku jiro, Guruf, Aduufo, Jaa’w, Xashir, Sikilo, Qaloon, Buunsho, wax Wanaagsan iyo Wax Xunba

Hadeeyna Dowladdu iska Haadin oo aynan iska shaqshaqin kama bixi doonto Fashil aan ka fogeeyn.

Howlgalo Ciidan, Mid Maamul iyo mid Siyaasadeed ayaa lagu fashilay, la ismana weeydiin, yaa ka dambeeyay, sideey u dhacday, maxaase xal ah? .

1. Dowladu waa in ay iska shqshaqdaa Shaqaalahan Mushakalka ah ee Xafiisyada Xureeystay. ( F.S: 1aad)

2. Shimbir ayaa tiri: Ma dhiman markii ay Fallaartu Wadnaha iiga dhacday, ee waxaan dhintay markaan ogaaday Cidda igu dhifatay. (F.S:2aad)

3. Dowladdu waxa ay dhimanee marka ay ogaato in Cidda Dhabar jabisay, fashilisay Furimaha Dagaalka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Maamulku ay tahay Cid ay iyadu soo dhaweysatay oo aynan ka maleyneeyn.

Qore: Yahya Amir