1 min read

Kenya oo soo bandhigtay inay hogaamiso howlgalka Qaramada Midoobay ee lagu xasilinayo Haiti

Kenya ayaa u soo bandhigtay inay hogaanka u qabato howlgalka Qaramada Midoobay ee dhanka ammaanka ee lagu doonayo in lagu xasiliyo Haiti kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken uu codsaday taageero caalami ah oo dheeri ah.

Mr Blinken ayaa balan qaaday $65m (£53m) oo kale si uu u caawiyo booliska Haiti.

Waxa uu mar kale ku booriyay golaha ammaanka in ay cunaqabatayn ku soo rogaan howlgalka ay Qaramada Midoobay taageerto.

Haiti ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin amni oo sii xumaanaya tan iyo markii la dilay madaxweyne Jovenal Moise laba sano ka hor.

Kooxo burcad ah ayaa gacanta ku haya inta badan caasimadda Port-au-Prince waxaana ka dhacay in ka badan 2,000 oo dil ah qeybtii hore ee sanadkan halka 1,000 qof la afduubtay.