1 min read

Dadka ka badan 500,000 ee hadda loo ogolaaday inay Mareykanka ka shaqeyn karaan

Dadka reer Venezuela ee magangalyda ka raadsadsanaya Mareykanka ee horey ugu noolaa dalka waxaa loo ogolaan doonaa inay si sharci ah ugu shaqeeyaan xeerar cusub oo uu ku dhawaaqay maamulka Biden.

Qiyaastii 472,000 oo qof ayaa u qalmi doona Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) muddo 18 bilood ah.

Waxay daba socotaa baaqyada Dimuqraadiyinta ee ah in la balaadiyo lana fududeeyo hab ay shaqada ku gali doonaan.

Magaalooyinka Mareykanka ayaa la daalaa dhacaya dad aad u badan oo ka cararaya qalalaasaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Venezuela.

Dadku waa inay ku noolaayeen Maraykanka 31 Luulyo ama ka hor si ay xaq ugu yeeshaan gargaarka masaafurinta ku meel gaadhka ah iyo helitaanka oggolaanshaha shaqada ee hoos timaada TPS.