× HomePrivacyAbout UsContact UsWararkaSportsNews English
ad
ad
Dagaal u dhaxeeya Soomaalid iyo Oromada oo ka dhacay Deegaanka Qolaji.
Wararka

Dagaal u dhaxeeya Soomaalid iyo Oromada oo ka dhacay Deegaanka Qolaji.

Wararka laga helayo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka Oromada iyo kuwa deegaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qolaji.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu gaystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku suganyihiin boqollaal barakacayaal ah Soomaali ah oo horey uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida.

.

About Author

3

Maxamuud Xuurshe