1 min read

Dagaal beeleed ka socda waqooyiga Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaannada Bali Seenyoone, Bali-Sonkor iyo laanjaamac ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay saaka dagaal u dhaxeeya beelo halkaa wada dega.

Dirirtaan oo loo maleeynayo in ay salka ku hayso aano qabiil, ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan afar qof sida ay noo sheegeen dad aan la hadalnay.

Deegaannada dagaalku ka dhacay ayaa ah aag aan kala fogeyn oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, waxaana la soo warinayaa in dagaalku hadda istaagay, balse meleeshiyo beeleedkii ay wali is hor-fadhiyaan.

Dhowr mar oo hore ayaa deegaannadaas dagaallo ku saleysan qabiil ka dhaceen kuwaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhawaacba lahaaa.