1 min read
Qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dawladda.
KISMAYO — Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dawladda.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay idaacadda VOA un qaraxan uu ka dhacay waddada xiriirisa magaaooyinka Luuq iyo Doolow.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.