1 min read

Maamulka gobolka Banaadir oo deeq raashin ah ku wareejiyey taliska Xoogga dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta Taliska Xogga dalka ku wareejiyey deeq Mucaawino ah oo ay ku dhiirigalinayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira dagaalka Khawaarijta.

Ugu horreyn Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay deeqda maanta ay wareejiyeen in ay isugu jirto cunto qalalan iyo mid qoyan taas oo uu carbaabay in ay ku wareejiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Taliye ku xigeenka Saadka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ayaa ugu baaqay, Shacabka Caasimadda gaar ahaan; culimada, dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo aqoonyaahaanka in ay taageeraan ciidamada dowladda iyo kuwa geesiyaasha deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaariijta.

“Dowladeena Soomaaliyeed in aan garab istagaano, ciidamadeen in aan garab isgaagno, dadka deegaanka oo soo jeestay oo wacyigooda sidii hore uu ka duwan yahay in la garab istaago waaye,” sida uu yiri guddoomiye Yabooh.

Deeqdaan uu maanta gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ciidama dowladda ee xilligaan dagaalka kula jira Khawaarijta waxa ay ahayd mid uu maamulka horay u balan qaaday, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin garab istaaga Ciidamada.