1 min read
Al-Shabaab oo sheegtay in gobolka Bakool ay ku laayeen askar Itoobiyaan ah
Kooxda al- Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay ka dhacay gobolka Bakool ee Soomaaliya, oo u dhaxeeyay iyaga iyo ciidamo Itoobiyaan ah.
War ka soo baxay al-Shabaab oo lagu faafiyay warbaahinta taageeta kooxdaas ayaa lagu sheegay in weerarku uu ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kadibna uu dhacay dagaal toos ah oo dhinacyada dhex maray.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay 167 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, balse BBC-du ma xaqiijin karto sheegashadaas.
Mana jirto sidoo kale cid kale oo si madax bannaan u xaqiijinaysa khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.