1 min read

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane,Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka xoogga iyo saxiibada Caalamka ay kawadaan degaannada,Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle,halkaa uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaa oo billaawaday shalay walin socdaan jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo isku uruursaneyay degaanno dhaca wabiga jiingiisa,waxa uu timaamay in khasaaraha dib ay kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallo ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka sameyeen degaanka Qoqod ay ku dileen 30-katirasan khawaarijta kuwa kalana lagu dhaawacay,sidoo kalana ciidanka ay gubeen afar gaar,laba gaari oo kala iyo hub fara badana ay ciidamada Qaranka ay gacanta ku dhigeen.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha waweyn oo ay shacabka iyo geesiyaasha ciidanka xoogga ka soo hoyeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta,islamarkaana ay sii socon doonaa howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Ciidanaka Qaranka ayaa sacadihii ugu dambeeya guula waweyn ka soo hooyay howlgallada ka dhanka ah kawaarijta iyo ciidamada saakay ay la waregeen degaannada Bacaadweyn,Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.