Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shir weynaha Aqoonsiga Qaran.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray munaasabada shirka weynaha Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afasiyooni ee Garoonka Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP. Guddoomiyaha ayaa qaatay Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa.