1 min read

Ciidamada Dowladda oo howlgallo sifayn ah kawada magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ayaa saaka howlgallo sifayn ah waxay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka

Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa shalay jab xoogan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.