1 min read

Ciidamada ATMIS oo war ka soo saaray nin ay ciidamadu dileen iyo askari laga dhaawacay

Howlgalka midowga Afrika ee kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saaray dhacdo dhowaan ka dhacday halka laga galo xerada Xalane.

Ciidamada ATMIS ayaa dilay nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay in uu si xoog ah ku galo xerada Xalane.

Waxa ay sheegeen in uu toorrey ku weeraray askari la sheegay in uu baarayay ninkaasi kadibna ay is af dhaafeen ama ninku uu u hoggaansami waayay baaritaanka.