1 min read

20-ka tirsan Al-Shabaab oo saakay lagu dilay degmada Awdheegle.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa aroornimadii hore ee saakay ka hor tagay weerar qar iska tuurnimo ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay Maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah, ayagoo goobta uga cararay meydadka in ka badan 20 Maleeshiyaad ah.

Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle.