1 min read

Ciidamada Xoogga oo khawaarijta ka xoreeyay Deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulooyin kale.

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo dhowr deegaan ku baacsaday Khawaarijta ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna shalay laga xoreeyey Khawaarijta.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo uu kamid ahaa Jeneraal Aadan Laba-afle iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, sidoo kale waxaa shalay ciidanka furimaha ku booqday Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo ka socon doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.