1 min read

Maxay soo kordhin kartaa tillaabooyinka lagu xirxiray saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya?

Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil milateri loo xirxiray tillaabooyinkii ay dhawaan ciidamadu uga soo baxeen saldhigyo ku yaal deegaanno ka tirsan Galmudug oo markii hore ciidamadu ka qabsadeen Al-shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kula hadlayay duleedka Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa sheegay in saraakiisha la xirxiray la soo taagi toono maxkamad ciidamada, lagulana xisaabtami doono dambiga ay galeen, isla markaana la marsiin doono waxa uu sharcigu ka qabo.

Balse falanqeeyaasha arrimaha amniga Soomaaliya ayaa qaarkood qaba in ay tahay in halkii saraakiil la xirxiri lahaa ay tahay in si dhab ah loola xisaabtamo hoggaanka ciidamada.