1 min read

Ronaldo oo sheegay inuu dhaliyay goolkiisii 850 ciyaarihiisa rasmiga ah ee uu ciyaaray.

Ronaldo ayaa xalay gool ka dhaliyay ciyaartii kooxdiisa Al-nasar la ciyaartay kooxda Al-xasmi oo ay uga badisay 5-1.

Ciyaaryahanka reer Burtuqal ee 38 jirka ah ayaa goolkiisii lixaad dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu ciyaaray horyaalka Sucuudiga.

Ronaldo ayaa dhaliyay 26 gool, 30 kulan oo uu dheelay tan iyo markii uu ka soo tagay kooxda Manchester United.

Goolkiisii 800 ayuu dhaliyay bishii December 2021, xiligaas soo uu u ciyaarayay kooxda Manchester United.

Ronaldo oo qarankiisa u dhaliyay 123 gool ayaa bartiisa bulshada soo dhigay kaddib ciyaartii Sabtida: “waa ciyaar kale oo shaqo fiican aan qabanay! Waan sii hormarin doonnaa. 850 gool oo rasmiya, waan sii tirsan doonaa.”

Guusha xalay ee kooxda Al-nasar ayaa keentay in afar dhibic oo kaliya ay ka dambeyso kooxda hoggaanka horyaalka Sucuudiga haysa ee Al-hilaal.