1 min read

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay deegaanka Dumaaye ee hoostaga G/Mudug.

Duqeyn cirka ah ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay duqeynta Dumaaye, Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye, ayaa VOA u sheegay in tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Dumaaye oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha goobta ku sugnaa ay ku jireen horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad kale.

“Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan  ku shirayay halkaasi.