2 mins read

Anigu maxaan u Xushmeeyaa Asgariga?

Magaca Asgari ( Soldier) Asalkiisii intuu ka yimid?

Saddax kun sono ka hor ayaa Dowladii Giriigii hore Asgar qoratay waxaana loo yaqiin Magaca “Soldier” , oo ka kooban labada xaraf ee “Sold” oo ah Lacag iyo “Dare” oo ah Sii.

Waajibka Asgariga

Waajibka 1aad ee Asgarigu waa in uu ilaaliyo “Deshebiliinka” Ciidan iyo Amarada la siiyo ee aan ka hor imaaneyn Shuruucda Dalka iyo Diinta.

Xuquuqda Asgariga

Lacag sii, Xuquuqda 1aad ee Asgarigu waa in uu helaa Lacagta uu xaqa u leeyahay.
Giriigii hore Kadib, kalamadda “Soldier” ayaa laga soo qaatay Middle English oo aheyd “Soudeour” xatta Faransiisku waxa ay u yaqiineen isla kalamadaa oo macnaheedu ahaa Mushaar Shillimaad lagu bixiyo.
Latiinkii Casriyadii dhexe” Medieval Latin” waxaa loo yaqiin “Solidus” oo aheyd magacii Lacagtii Dahabka aheyd ee Romanku isticmaali jiray Ciidankana la sii jiray.

Somaliya iyo Caalamka oo dhan Asgarigu waxa uu qabtaa Shaqada ugu Adag, ugu khatarta badan, ugu Mushaarka yar, Laakin ugu Qiimo iyo Sharaf badan Bulsho kasta oo caalamka ku nool dhaxdeeda.

Asgarigu waa in uu helaa Saddax Xuquuq.

1. In uu noqdo Shaqaalaha Qaranka kan ugu horeeyo oo Mushaarkiisa helo.
2. In Dowladda iyo Bulshadaba uu ka helo Ixtiraamka iyo Xushmadda uu mudan yahay.
3. In uu helo, kalasooni ah in Ciidamada dhaxdooda uu ku helaayo Cadaalad, wixii uu muteysto Dalacaad, Billad iyo Xuquuq kale.

Waa shaqaalaha kaliya ee Mar kasta la xasuusto. Taaladda Daljirka Dahsoon, ayaa loo dhisay Asgari kasta oo aan la aqoon oo ku geeriyooday Difaaca Dalka, si mar kasta loo xasuusto.

Runtii Anigu, In kasta oo Marmar ay Magaaladu ii soo indha guduudisay, aan isku dhacno Asgari Shaqadiisa ku jiro, isaga oo aan ka gar daranahay ama uu isagu iga gardaran yahay. Haddana mar kasta Shakhsiyan Asgariga waan xushmeeyaa, oo waxaan ogahay Muhimadda Xilka uu u hayo Bulshada Somaliyeed. Saddaxdaa Xaq hala siiyo Asgariga. Waa iga talo.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhiman ku dar.

Qore: Yahya Amir