1 min read

Muslimiinta Mareykanka oo war cusub ka soo saaray gabdhihii Soomaalida ee shilka ku dhintay.

Qoysaska shantii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee dhowaan ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka iyo hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka. ayaa dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo wixii sababay iyo ciddii ka dambeysay shilkaasi.

Waxaa ay sheegeen inaysan ku qanacsanayan baaritaanka booliska magaalada Minneapolis maaddaama sida hay’addu sheegtay in kiisku ku leeyahay nin askari ah oo ka tirsan booliska magaaladaas.

Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa sheegay in ay doonayaan in baaritaanka waxa sababay shilkaas la xoojiyo, isla markaana warka kasoo baxay Booliska aysan ku qanacsaneyn.