1 min read

Ciidanka Xoogga dalka ee Gorgor oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas khawaarijtu soo barakicisay

Ciidanka xoogga dalka ee Gorgor ayaa maanta biyo dhaamin u sameeyay qaar ka mid ah qoysaskii ay Khawaarijta Al-Shabaab ka soo barakicisay tuulooyin hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Biyo-dhaamintaan ay geesiyaasha Qaranku u sameeyeen shacabka ku nool tuulooyinka hareeraha ka xiga Galcad ayaa socotay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Qaar ka mid ah shacabka loo sameeyay biyo dhaaminta ayaa ciidanka Gorgor uga mahadceliyay, waxaana cidamada qalabka sida ay markasta garab taaganyihiin shacabkooda.