Madaxweyne Deni oo Magacaabay xubnaha ka mid noqonaaya Garsoorka Puntland.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa ansixiyay isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada puntland , iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay.
Xubnaaha Garsooraayaasha oo ku soo baxay liiskan ayaa imtixaan laga qaaday magacaabistooda ka hor, inkastoo wararka qaar sheegayaan in guddoomiyaha loo magacaabay maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso aanu gelin imtixaankaas.
Halkaan Hoos ka Akhriso magacaabista: