1 min read

Cali Jeyte  “Hiiraan kama sii mid ahaanayso  maamulka Hirshabeelle….:

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Hiiraan aanay ka sii mid ahaan doonin Maamul Goboleedka Hirshabeelle kaddib markii uu sheegay inuu arintaasi kala tashaday waxgaradka Gobolka.

Cali Jeyte ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya saraakiisha Hirshabeelle aanay iman karin Gobolka Hiiraan, isagoo ugu baaqay kuwa hadda jooga inay degdeg uga baxaan.

“Waxa ka mamnuuca gobolkan inaan dadka u cadeeyo, qof sheeganaya magaca la yiraahdo Hirshabeelle, hadduu Beledweyne joogo maaha meeshii uu ka dhoofi lahaa, malaha biyo baxdada ayuu sii raaci doonaa, mid bannaanka jirana ma imaan doono, waxa xiran garoonka Beledweyne, dhulkuna waa xiran yahay, cirkuna waa xiran yahay.”

Cali Jeyte ayaa ku hanjabay in diyaaraddii ka dhaga adeegta amarkiisa ay dhibaato la kulmi doonto.

Cali Jeyte waxa kale oo uu sheegay in la qaban doono shir lagu dhisayo maamul uu yeesho Gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Shirka jaraa’id ee Cali Jeyte aya yimid kaddib markii xalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen xilka looga qaaday, taasoo sida muuqata uu aad uga carooday.