1 min read

Mareykanka oo $5 milyan dul dhigay madaxa C/llaahi Cusmaan oo ah madaxa  warbaahinta ee Al-Shabaab ee Al-kataaib.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Eedeysanahan ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-katib.