1 min read

Sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Isgoyska Soobe.

Qarax loo malaynayo in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa duhurnimadii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay, waxana markii dambe laga soo saaray qof dhaawaca oo gaariga watay, waxana loo qaaday isbitaalka.

Illo wareedyo ka tirsan booliska ayaa BBC-da u sheegay in qofka dhaawaca ah uu yahay sarakaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lala eegtay sarkaalka.