1 min read

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay, qarax ka dhacay deegaanka Muraale oo ka tirsan Sh/Hoose.

In ka badan 20 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay deegaanka Muraale oo u dhexeeya degmada Qoryoolay iyo deegaanka Janaale, ka dib markii ay ku qaraxday walax aan la aqoonsan.

Masuuliyiinta deegaanka oo ka warbixiyey qaraxan ayaa sheegay, in qoys ka mida dadka ku dhaqan deegaanka Muraale, inuu walaxdan ka soo helay, baadiye ah, iyaga oo xilligaas doonayey inay ku isticmaalaan jikadooda, iyaga oo rabay inay saartaan digsiga cuntada, hase ahaatee markii uu dabku gaadhay walaxdan ayay si lama filaana ugu qaraxday.

Guddoomiyaha Janaale oo ay hoostagto tuulada Muraale, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur al-Cadaala, ayaa xaqiijiyey in tirada dhimashadu ay gaadhayso, illaa 27 qof, halka ay tiro kalena ay ku dhaawacantay qaraxaas.

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan ayaa VOA u sheegay in walaxdan ku qaraxday dadka deegaanku inay u muuqato, mid ay ahayd in loo adeegsado weerarada ka dhanka ah ururka al-Shabaab, hase ahaatee aanay qarxin xilligaas.

Waxaa jira halis, soo noqnoqota oo ku aaddan, hubka iyo walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ka dhanka ah al-Shabaab, taas oo mararka qaarkood, laga helo goobaha miyiga ah, iyaga oo aan qarxin, waxaana ay walxahaasi galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah, sida dhacdadan ugu dambaysay ee ka dhacday deegaanka Muraale oo 12 KM u jirta Janaale.