1 min read

Nasashada Jimacah. Q- 360=Ma jirto Ciqaab uga weyn Haweenka in laga aamuso, ama la yiraa, Sidaad Doonto yeel..=

1.Waxaa la qoday Qabri aasnaa 700 Sano, waxaa loogu tagay Maydka Nin iyo Xaaskiisii, waxaa ka muuqatay in weli ay xaaskii ku qeylineysay Saygeeda xataa isaga oo Mayd ah. (F.S: 1aad)

( Goormeey Haweenku Joojiyaan in ay ku qeyliyaan, waabsadaan, ama Handadaan Seygooda?)

2. Haddii aad rabto in aad Xaaskaaga Dood uga guleeysato, Akhri Qodobada ku qoran Liiska Hoose. 1-80. (F.S: 2aad)
( Ma ka heshay Qodob, Haddii aad ka weysay maba jiro Qodob kuu sheegayo in aad Xaaskaaga Dood uga guuleysan karto)

3. Filasoofkii Suqaraad, Daganaantiisa iyo Aamusnaantiisa ayaa sababtay in Xaaskiisu u geeriyooto Wadna xanuun. Maalin ayaa isaga oo ku mashquulsan arrin, ayaa Xaaskiisii ku qeylisay, si saa’id ah ayey Nafteeda u waashay, qaraxday, Biyo ayeey ku shubtay isagii.
Suqaraad lama hadal, waa iska aamusay, oo Howshiisii ayuu iska sii watay, ilaa Habeen barkii Xaaskii uu wadnuhu xanuunay oo ay Wadna Xanuun u geeriyootay Sababta oo ah iyadaa Nafteeda Qeylo iyo Caro ku ciqaabtay oo dhiig kar isku riday. (F.S: 3aad)

( Majirto Ciqaab uga weyn Haweenka in laga aamuso, ama la yiraa, Sidaad Doonto yeel. In aad la hadashana Xal kuma gaareysid )

4. Haddii aad u maleysay in Xaaskaaga aad ka xoog badan tahay, ha hilmaamin in ay kaa xeelad badan tahay. Libaaxa oo kaa Xoog badan ayaa Xaaskiisa isku jilciyay. (F.S: 4aad)

(Haddii aad rabto in aad Libaax noqoto, Xaaskaaga isku jilci)

5. Isku day in aad Xaaskaaga fahamto, haddii kale soo iibso koofi Bir ah. (F.S: 5 & 6aad)

(………………………………………)

6. Boqorkii Xujaaj Bin Yusuf ayaa Haweeney u soo dacwootay iyada oo leh: Gurigeyga Dooli ( Jiir) ma joogo.
Nin shaqaalihiisa ahaa ayuu ku yiri: Carrabka ka Gooy Haweeneydaan. (F.S: 7aad)

A. Muxuu Xujaaj ula jeeday Hadalkaa? . B.Maxey iyaduna ula jeeday?

Qore: Yahya Amir