1 min read

Willka Madaxweyne Museveni oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee howlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Kulankan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo kahor dowlada Uganda ay sheegtay in 54 kamid ah ciidamadeeda ay Al-shabaab ku dileen Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa 26-kii May weerar kuqaaday saldhigga ay ciidamada Uganda kuleeyihiin degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wefdiga uu hogaaminayay Janaraal Muhoozi ayaa kawada hadlay sida ay u socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto dagaalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Uganda garab istaagga Soomaaliya ee dhanka la dagaalanka Al-shabaab.