1 min read

Shir looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee dalka oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Waxaa maanta la soo gebagabeeyay shir muddo 2 maalmood ah magaalada Muqdisho uga socday wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay arrimaha hannaanka maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed eeSoomaaliya adduunku siiyo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa xiritaanka Shirka ka sheegay in shirkaan diiradda lagu saaray arrimaha Federaaleynta, Maamul wanaagga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socday sidoo kale looga hadlay arrimaha dib u habeynta maaliyadda,horumarinta dhaqaalaha ,Mideynta Siyaasadda Canshuuraha dalka,mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay ka waddaan gudaha dalka.

halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka lagaso saaray shirka.