1 min read

Xujeydii ugu horreysay sanadkan oo maanta ka baxday Dalka Soomaaliya

Waxaa maanta dalka Sacuudiga u dhoofay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliya ka baxday.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sanadkan qiimaha xajka lagu aadayo wax laga dhimay.

“Waa markii ugu horreysay inta la xusuusto wax laga dhimo qiimaha xajka,” ayuu yiri wasiirka.

Ilaa 422 rakaab ah ayaa saakay ka duulay Muqdisho, halka 165 ay ka dhoofeen Hargeysa, iyadoo maalmaha soo socdana ay duullimaadyo kale bixi doonaan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in sanadkan xujeyda dhoofay ay u badnaayeen dad da’ ah, maaddaama sanadihii la soo dhaafay qaarkood uu xajku baaqday sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Covid-19.