1 min read
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in weerar lagu dilay sedex xubnood oo Al-Shabaab ah.
War goor dhaw ay faafisay wakaaladda warar soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay , Ciidanka Kumandoonka Danab oo kaashanaya saaxibada caalamka ayaa weerar qorsheysan lagu beegsaday ururka Alshabaab gaar ahaana deegaan 60KM dhinaca Koonfur-galbeed ka xiga magaalada Kismaayo in lagu dilay sedex xubnood oo ka tirsan Alshabaab .
Warku wuxu intaasi ku darayaa in howlgalkaasi lagu jabiyay Ururka Al-shabaab. Al-shababa weli kama aysan hadlin sheegashada dowladda .