1 min read

Ciidamada Ugandha iyo Al-Shabaab oo madaafiic is dhaafsaday.

Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Alshabaab ay madaafiic isku waydaarsadeen magaalada Qoryooley xalay fiidkii iyo saqdii dhexaba.

Koox ka tirsan Alshabaab ayaa fiidkii xalay madaafiic ku soo tuuray xerada ciidamada Ugandha ay ku leeyihiin dhinaca Koonfureed ee degmada Qoryooley, dabadeed waxa xigay madaafiic kale oo ay ku jawaabeen ciidankii xerada joogay.

Isla saqdii dhexe mar kale ayay koox ka tirsan Alshabaab madaafiic ku soo tureen xerada, ciidamada Ugandha, iyana mar kale ayay madaafiic ku jawaabeen sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan Qoryooley.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo gaaray dadka rayidka ah, lamana oga haddii uu khasaare kala gaaray dhinacyada madaafiicda isku waydaarsaday magaalada Qoryooley.

Kooxda Alshabaab ayaa kordhisay todobaadkan weerrarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika, todobaadkan oo kaliya waxay qaaday illaa labo weerar oo lagu hoobtay kaas oo midkood ay cagta ku marisay saldhigii ciidamada Ugandha ee Buulo Mareer.