1 min read

Ar, Madaale maxaa ku dhacay,Madaale ayaaba lagugu Naaneysaye, Maxaa ku daaliyay?

Ar, Md. Yusuf Madaaloow maxaa kugu dhacay. Madaale ayaaba lagugu Naaneysaye, Maxaa ku daaliyay. Ma…

1. Ma Magaaladii ayaad u maara weeyday oo Maqaamkii Magaalada ayaadan fahmin?
2. Ma Maamulkii ayaa lagula soo faragaliyay?
3. Ma GSHM in aad colaadiso ayaad ku mashquushay?
4. Ma Duub Jufo hoose oo aan weli Duubneyn ayaa docda kugu dhagan?
5. Ma Qoyskii iyo Qaahiraa cukeys kaaga yimid?
6. Ma Golaha Wada Tashiga Qaranaa, bad kale kugu furay?
7. Ma Reer Maxaad Raage Calasow ayaa Culeeys kaaga yimid?
8. Ma Xuskii Hooyadaa Kutubeey ayaad hilmaantay? .
9. Ma ku xigaanadaadaa Xafiiskii kaa walaaqay?
10. Ma Boono iyo Biil aan sharci aheyn ayaa Bixi lagu yiri?

11. Ma Qaraabadii aad Horuumarinta Degmadooda Hilmaantaa, Afar Afarta kuu maray?
12. Ma Lo’dii iyo Ciyaalkii Caasiga ahaa ee Liido ayaad weli u Ciil qabtaa?
13. Ma Qashinka Magaaladaad ka quusatay?
14. Ma Duub qandaraaslaaha Daaqadda kuu taagan?
15. Ma khasandii Dowlada Hoose, Odayaashii sharci darada looga biili jiraa ku dacaayadeeyay?
16. Ma Xildhibaan Qandaraas qaataa, mid kale kaa rabo?
17. Ma Caruur, Agaasimayaal kuu ahaa kugu camirtay?
18. Ma Xildhibaano Jufaa, ku leh: Duur, Degmo nooga dhig ?
19. Ma Caalamkii iyo Caasimadda Cid isku xirtaad weeyday?
20. Ma Masuulkii Maqaamkaan ku soo gaarsiiyay, Magtina kaa bixiyaad meel uga dhacday?
21. Ma Xilka iyo Xaaladaha Xafiiskaad Xanuun ka qaaday?

Madaale loo Hanweynyahay ayaadba aheyd ee Maxaad Gacmaha isga laabatay oo aad indhaha isagu qabatay? Ma Gacmahaad isa saaratay asaad leedahay wax qabad ma jiree, War iyo Warqad ayaa igu soo haray?. (F.S: 1aad)

Talo.

Waa iga Talo, ka Muwaadin Magaalada degan:

Nin lagu tashado oo loo hanweynyahaad aheyed, ka kac hurdada ee Madaalihii aan naqiin noqo. Iskana xali Koow iyo Labaatanka Qodob ee Sare ku xusan.

Qore: Yahya Amir