May 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday qiimaha Xajka sannadkan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa arrintan kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad […]
Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah qulqulka Muhaajiriinta.
Washington:-Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico. Go’aankan ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19. Qiyaastii […]
Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya oo daah-furay Qorshaha Hawl-galka Wadajirka ah ee labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex maraya labada sano ee soo socota. Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa sheegay in geeddi-socodka wada shaqayneed uu diirrada saarayo saddex arrimood oo kala ah, siyaasada loo dhan yahay iyo dimuqraadiyadda, […]
Maamulka Puntland oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Shiikh.
“Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey. Madaxweyne Puntland Tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. […]
Mashruuca tirakoobka Soomaaliya oo maanta laga daah furay Muqdisho.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Ahmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray barnaamijka qaran ee tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliyeed. Barnaamijkan, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka socda beesha Caalamka.
Madaxweynaha Eritrea oo sheegay inuu doonayo dhex dhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Sudan.
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa sheegay in urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo, marka laga hadlayo sidii xal loogga gaari lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan. Waxa uu sheegay in iyadoo xaaladda Suudaan ay tahay arrin walaac leh heer gobol iyo heer caalamiba, oo laga yaabo in dalal […]
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxa Hay’adda WFP oo ka wadahadlay cunna yarida Soomaaliya..
Muqdisho — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee WFP, Cindy McCain oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, waxayna ka wadahadleen horumarinta cunnada Soomaaliya. Sida ay qortay warbaahinta dawladdu, Madaxweyne Xasan iyo McCain ‘ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha […]
Madfac la sheegay in ciidamada ATMIS ay ku dhifteen beer ku taalla Janaale oo geystay khasaare.
Warrarka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof oo rayida uu dhintay, shan kalena ay dhaawacmeen kaddib markii uu madfac ku dhacay beer ay ka rarayeen moos oo ku taala duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda Hoose. Dad goobjoogayaal ahaa ayaa BBC-da u sheegay in saddexdii habeenimo uu madfac ku habsaday […]
Wasiir ugandes ah oo Toogaxho kala kulmay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Askari ka tirsan ciidamada qaranka Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiir uu ilaalo u ahaa. Gaashaanle sare Charles Okello Engola oo shaqada ka fadhiistay, oo ahaa wasiir ku xigeenka jinsiga iyo shaqada ayaa lagu toogtay gurigiisa subaxnimadii saaka. Ilaa hadda ma cadda in uu muran dhex maray iyo in kale askariga iyo wasiirka. Goob joogayaal […]
Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo iney wada hadlaan ku wada heshiiyey.
Dhinacyada isku haya Suudaan, ayaa isku raacay in ay u diraan wakiillo uga qeyb gala wada-xaajood, kuwaasoo laga yaabo inay ku sugan yihiin Sucuudiga, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Folker Bertes. Bertes, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee (AP) isniintii, in wada hadaladu ay marka hore diiradda lagu […]
