1 min read

Mashruuca tirakoobka Soomaaliya oo maanta laga daah furay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Ahmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray barnaamijka qaran ee tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliyeed.

Barnaamijkan, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka socda beesha Caalamka.