1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxa Hay’adda WFP oo ka wadahadlay cunna yarida Soomaaliya..

Muqdisho — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee WFP, Cindy McCain oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, waxayna ka wadahadleen horumarinta cunnada Soomaaliya.

Sida ay qortay warbaahinta dawladdu, Madaxweyne Xasan iyo McCain ‘ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida.’

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ayaa bishii hore sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay weli waajahayaan cunno yaraan, waxaana qoraal kasoo baxay FAO lagu sheegay in ku dhowaad 6.6 milyan oo qof ay waajahayaan xaalad qalalaase cunto ah ama mid intaasi kasii daran ilaa bisha Juun ee sannadkan.

Waxay FAO sheegtay hay’addani in qaar ka mid ah dadka ku nool saddex meelood magaalooyinka kala ah Buur Hakaba, Baydhaba iyo Muqdishu loo aqoonsaday inay halis ugu jiraan macluul.

McCain ayaa dowladda Soomaaliya u ballan-qaadday in WFP ay ka taageeri doonaan in Soomaaliyaa ay gaarto isku fillaansho buuxda.