1 min read

Madaxweynah Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo salaadda janaasada ku tukaday Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dolwadda Soomaaliya ayaa maatay Salaadda Janaasada ku tukaday Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Marxuum Cismaan Jeelle ayaa meeydkiis lagasoo duuliyay dalka Australia halkaas oo uu ku geriyooday muddo dheerna uu deganaa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door kasoo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Xasan Sheeikh ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isagoona Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.