1 min read

Farmaajo oo boogaadiyay doorashada golayaasha deegaanka Puntland.

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ‘ayaa shacabka iyo maamulka Puntland ku ammaanay hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka’ sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

“Hannaankan doorashada tooska ah inay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan inay hoggaankooda kusoo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecelnahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.” ayuu Farmaajo ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed ayaa la filayaa inay dhacdo berri oo Khamiis ah.