1 min read

Sopmaaliya: WAN iyo WARAABE + Faallo

Wan meel cidla ah Habeen socdo ayaa waxaa ka hor yimid Waraabe. Waraabuhu waxa uu ka shakisnaa in Wankaan lala socdo oo isaga lagu khiyaamayo. ( F.S: 1&2aad)

Waraabihii ayaa ku yiri: Wannow Saacadaan maxaa kaligaa ku wado? . Wankii ayaa yiri: waan dhunsanahay, Xeeradii iyo Reerihii meel ay iga jiraan ma aqaan. Waraabihii oo Qoslayo ayaa yiri: war ha i khaldine amaa lagula socdaa, oo Rag ku baadi goobayo ay soo socdaan. Wankii ayaa yiri: Maya, maya dhinac aan u soo dhumayba ma ogo.
Waraabihii ayaa Qosol dhulka kula raftay isaga oo leh, Ar heeyga sii qoslin, feerahu Qosol ayeey ila xanuunayaan Caawa.( F.S: 3&4aad)

Sheekadaan, waxaan ku soo xasuustay markaan arkay Wasiir Somaliya oo Rag Ajnabi ah uga sheekeeynayo in uu Dalkiisu laciif yahay, baadina yahay. Halkii uu ka dhihi lahaa, Somali ma taqaaniin, khilaaf kasta oo naga dheeyo somali ayaa nala yiraa, haddii aan Cadaw iyo isticmaar aragno Hal daqiiqo ayaan ku midoownaa, wixii dhaxdeena ahna waan hilmaanaa, si aan wadanka u wada difaacno.

FG: Dhibaatada Dalkaaga Cadawga ha uga sheekeeyn, hana isku la ciifin. Islaamkuba waxa uu na faray, haddii aan suuqa Mareeyno in aan Seefaha oo Af xiran Toqfosha hoos galino si murqaheena oo kuus kuusan gaaladu u aragto. ( F. S: 5aad)

Weligaa Ajnabi ha isku jilcin, waa iga tallo.

Qore: Yahya Amir