1 min read

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Thomas K. Chepkuto.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalada cadowga iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee Howlgalka.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Haweenka, ayaa sidoo kale looga hadlay fatahaadaha baahsan ee uu wabiga shabeelle ka geystay Magaalada Beledweyne kaas oo sababay barakaca bulshada Magaalada.