1 min read

Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah oo ka hadashay xakameynta hubka Caasimadda.

Mako Maxamuud Muuse oo dhowaan loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xakameynta hubka ee caasimadda.

Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’addaNabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.”

“Dowladda waxey waddaa baaritaanno la xariirashaqsiyaadka makriga u maleegayay Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Mako Maxamuud Muuse .