1 min read

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan oo la bililqeystay.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Somalia iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed  ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).

Bayaanka waxaa lagu xusay inay Ciiddan ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen Bililiqada loo geystay Xarumaha Ergada UNMISS iyo Safaaradda Somalia.

Bayaanka waxaa kaloo lagu muujiyey inay RSF weerar u geysteen Kaniisad ku taalla magaalladda Umu Durmaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Warkaan kasoo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ee lagu sheegay in la bililqeystay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan.