1 min read

Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ka mid noqday 11-kii laacib ee ugu fiicnayd heerka guruubyada AFCON U17.

Algiers :– Waxaa wareegyadii dambe soo gaarey Tartanka Junyarka Qaramada Afrika ee 17-jirrada ah oo sanadkan lagu qabtay dalka Algeria.

Dalkeenna Somalia ayaa markii ugu horreeysey taariikhda wuxuu xaadiray koob uu qabanayo xiriirka CAF markii uu tartankan ka qaybqaatay waloow uu guruubyada kusoo haray.

Yeelkeede, taasi meesha kama saarin in Somalia ay saamayn ku yeelato tartanka iyadoo tusaale ahaan uu macallinka Senegal horay u xusay dhowr laacib oo uu sheegay inay fiican yihiin.

Haatan xulkii ama 11-kii laacib ee laga sameeyay heerka guruubyada Koobka AFCON U1-7 ayaa waxaa Somalia ugu jira ciyaariyahanka khadka dhexe ee Idiris Cabdiwahaab Aadan.